Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Xasan Sheekh oo magacaabay guddoomiyaha gobolka Banaadir

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) inuu mar labaad noqday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Caasimadda Muqdisho. 

Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in madaxweynaha uu go’aankan qaatay isaga oo tixraacaya soo-jeedinta wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta. 

“Madaxweynaha ayaa ku saleeyey magacaabistan aqoonta iyo waayo-aragnimada shaqo ee uu leeyahay Guddoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale oo horey xilkan u soo qabtay, door wanaagsanna ka soo qaatay dib u dhiska caasimadda Muqdisho iyo guud ahaan horumarka Gobolka Banaadir,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay madaxtooyada. 

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Guddoomiye Yuusuf Jimcaale in uu mudnaan siiyo qorshaha xasilinta iyo amniga caasimadda, dib u heshiisiinta, xoojinta wadashaqeynta laamaha ammaanka iyo bulshada Gobolka Baanaadir, bilicda iyo baahinta adeegyada aas-aasiga, kuwaas oo dhammaantood hortabin u leh dowladda.” 

Xasan Sheekh ayaa u rajeeyay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, in Eebe uu u fududeeyo masuuliyaddan culus, isagoo ku adkeeyey dhammaan hay’adaha dowladda ee ay shaqo wadaagta yihiin in ay si dhow ula shaqeeyaan Maamulka cusub ee Gobolka Banaadir. 

“Xeerkan Madaxweyne ee lagu magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa dhaqan galay, maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay Arbaco, 7-da Sebteembar, 2022,” ayaa lagu yiri qoraalka.

The post DEG DEG: Xasan Sheekh oo magacaabay guddoomiyaha gobolka Banaadir appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this