Sign in to follow this  
Deeq A.

Kufsi iyo dil argagax leh oo ka dhacay degaan ka tirsan Gobolka Sool

Recommended Posts

Deeq A.   

Marxuumad Aamina Faarax, waxay ahayd hooyo carruur agoon ah korisa, islamarkaana qoys abaarsaday ku haysa miyiga Berda-dawanle oo ka tirsan degmada God-aalo ee Gobolka Sool, waxay subaxii u jarmaaday in ay carruurteeda quutal-yawm uga raadiso tuulada maxaase dhacay?

Kadib mudda 24 saac oo la la’aa ayaa meydkeeda oo kufsi iyo jirdil ba’an ka muuqdo laga helay miyiga tuulada Berda-dawanle, waxaana jirkeeda lagu arkay dhaawacyo argagax leh sida ay xaqiijiyeen dad ka tirsan ehelkeeda.

“ Masaafo dheer ayuu marxuumadda eryanayay ninka kufsiga iyo dilka ba’an kula kacay, waxaan aragnay dhulka iyo dhirta ay isla jiireen oo dhiigu waran yahay iyo kabaha iyo dharkeedii qaar oo midba meel yaal” ayuu yiri mid kamid ah dadkii meydkeeda helay.

“ Meeshu waa dhul cidla’ ah oo haddana buuraley ah, waxaase meelaha qaarkood ka muuqda raadka qof xiran kaba buud ah oo eryanaya marxuumadda iyo dhagxaan dhiig badan ku daatay” ayuu sii raaciyay.

Marxuumadda ayaa shalay lagu aasay miyiga degaanka Berda-dawanle oo ah meesha dhacdada laga soo weriyay sida ay noo sheegeen dad kamid ah qoyska dhibbanaha.

PUNTLAND POST

The post Kufsi iyo dil argagax leh oo ka dhacay degaan ka tirsan Gobolka Sool appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this