Deeq A. Posted September 7, 2022 Wasaaradda Gamacsiga Puntland ayaa sheegtay in aysan waxba kala socon shir Wada-tashi ah oo ay qabteen Wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya iyo Hay’adda ku magacaaban Tayo-dhowrka Qaranka oo ka dhacay Magalaada Muqdisho 5-6 September 2022. “Wasaarada Ganacsiga,Warshadaha iyo Maalgashiga dawladda Puntland Waxay cadaynaysaa in aysan waxba kala socon goob jogna ka ahayn shir wadatashi oo ay qabteen Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha DFS iyo Hay’adda ku magacaaban Tayo-dhowrka Qaranka oo ka dhacay Magalaada Muqdisho 5-6 September 2022” ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Ganacsiga Puntland. Sido kale Wasaaradda Ganacsiga Puntland ayaa sheegtay in aysan qayb ka ahayn Hay’adda ku magacaaban Tayo-dhowrka Qaranka islamarkana dawladda Puntland ay leedahay tayo-dhowr fac-wayn oo leh xeerar iyo shuruuc golayaasha dawladda Puntland ansixiyeen. ” Sido kale Wasaarada Ganacsiga,Warshadaha iyo Maalgashiga Dawlada Puntland waxay cadaynaysaa inaysan qayb ka ahayn Hay’adda ku magacaaban Tayo-dhowrka Qaranka islamarkana dawladda Puntland ay leedahay tayo-dhowr fac-wayn oo leh xeerar iyo shuruuc golayaasha dawladda Puntland ansixiyeen” PUNTLAND POST The post Puntland oo ka hortimid Shir lagu qabtay Muqdisho appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites