Sign in to follow this  
Deeq A.

“Waxaan Soomaaliya Ku Badbaadinaynaa Qamadigayaga (Hadhuudhkayaga)…” Madaxweynaha Ukraine

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dalka Ukraine, Volodymyr Zelensky ayaa sheegay inay sii waddayaan in ay dunida ku badbaadiyaan hadhuudhkooda.

Volodymyr Zelensky ayaa ku dhawaaqay in 28,600 oo tan oo Qamadi ah uu dalkiisa todobaadyada soo socda gayndoono Soomaaliya oo halis ugu jirta in macluul darran ku dhufato abaarta awgeed.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay saadaalisay macluul inay Soomaaliya ku dhufan karto dhammaadka sannadkan 2022.

Ukraine ayaa dhowaan billowday in qamadiga dalkeeda kasoo go’a loo daabulo dunida si wax looga qabto gaajada ku habsatay dalalka Afrika ku yaalla iyo qeybo kamid ah Aasiya oo ku tiirsan qamadiga dibadda.

Shixnadii ugu horreeysay ee hadhuudhka Ukraine ayaa dhawaan tagay bariga Afrika gaar ahaan dalka Jabuuti, iyadoo loogu talo galay Jabuuti iyo Ethiopia in loo qeybiyo gargaarkaas, iyadoo lagusoo daabulay maraakiib toos uga yimid dekedaha Ukraine.

Dowladda Turkiga ayaa damaanad ka ah amniga Maraakiibtan, kadib markii heshiis dhinaca cuntada ah ay kala saxeexdeen, Ukrain, Rushia iyo Turkey.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this