Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha cusub ee Daraawiishta Puntland oo booqday Taliska 54-aad

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1662467285328.jpg

Taliyihii hore ee Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland S/Gaas Yaasiin Cumar Dheere ayaa Taliska guud ee xerada 54aad ku soo dhaweeyey Taliyaha Cusub ee Ciidanka Daraawiishta S/Gaas Abshir Cabdi Jaamac

sidoo kale waxaa goob joog ahaa Taliye Xigeenada Ciidamada DIfaaca Pl, Abaanduulaha Cusub S/Guuto Xuseen Dheere iyo Abaanduulihii hore S/Guuto Siciid Maxamed Salaad Goryacawl, Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida, 7 Hogaan ee Ciidanka Daraawiishta, Waaxaha Madaxa Banaan iyo Xoghaynta Taliska guud ee Ciidanka Daraawiishta.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa isbarasho iyo soo dhaweeyn Taliyaha Cusub, iyadoo mid mid loo tusay xafiisyada Hogaamada Taliska guud ee Ciidanka Daraawiishta DPL.

PUNTLAND POST

The post Taliyaha cusub ee Daraawiishta Puntland oo booqday Taliska 54-aad appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this