Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaankii uu bedelay Xildhibaankan Muuse Biixi ka doontay Kiniinka oo si weyn u hadlay

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaankii uu bedelay Xildhibaankan Muuse Biixi ka doontay Kiniinka oo si weyn u hadlay

xildhibaan.jpg

 

Aragtidayda iyo xildhibaankayga
Waxaan akhriyey qoraal uu xildhibaankayga khadar soo dhigay bartiisa Facebookga oo uu ku sababaynayo diga rogashadiisa uu damacsan yahay inuu u diga rogto xisbiga kulmiye kana bedesho xisbigii deegaankiisa ee uu xildhibaanimada ku helay.
Waxaan is leeyahay hadii xildhibaanku go’aansaday in uu deegaanka uu ka soo jeedo tub cusub u jeexo oo uu jidkii hore ka weeciyo wuxuu xildhibaanku ku khasban yahay inuu talada ku celiyo dadkii doortay ee soo saaray sababna u ahaa in uu ka mid noqdo mudanayaasha golaha wakiilada. Oo haday la ogolaadaan uu sidaa ku jogaamiyo.
Asal ahaan shaqada xildhibaanku waxaa kow ka ah inuu golaha ku metelo deegaan doorashadiisa siyaasadda dalkana ku metelo qaranka somaliland markaa xildhibaan kasti wuxu hayaa laba shaqo oo ah tan deegaankiisa iyo tan qaranka.
Hadaba waxan is leeyahay sababaynta xildhibaanku uu maqaalkiisa ku xusay waa fikir ku keli ah isaga waana doorasho uu keligii qaatay isagoo kaga aragti duwan deegaankiisa doorasho waxana xildhibaanka la gudboon in uu hadalka dhayda ka caddeeyo oo uu go’aansado inuu keligii go’aansaday inuu sidaa yeelay.
Gari allay taqaan

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this