Sign in to follow this  
Deeq A.

Urur siyaasadeedka Mustaqbal oo eedayn u jeediyay xukuumadda Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Urur siyaasadeedka Mustaqbal ayaa xukuumadda Puntland ku eedeeyay in aysan ku tal-gelin doorasho qof iyo cod ah oo sharciga waafaqsan.

Ururka Mustaqbal ayaa sheegay in xukuumaddu doonayso doorasho ay u maarayso sida ay iyadu rabto islamarkaana ku gaarto natiijada xukuumaddu rabto.

Mustaqbal ayaa tilmaamay in arrintaas ay muujinayso sida loo maareeyay doorashadii u danbaysay ee ka dhacday degmada Eyl taas oo ururrada siyaasadda qaarkood ka horyimaadeen.

Urur siyaasadeedka Mustaqbal ayaa sidoo kale ku baaqay in ururrada siyaasadda Puntland isugu yimaadaan kulan wada-tashi ah oo ku saabsan arrintaas.

Mustaqbal.jpg

PUNTLAND POST

The post Urur siyaasadeedka Mustaqbal oo eedayn u jeediyay xukuumadda Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this