Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumada Somaliland Oo Dil Toogasho Ah Ku Fulisay 4 Qof Oo Dilal Gaystay

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumada Somaliland ayaa dil toogasho ah ku fulisay 4 qof oo hore loogu helay in ay dilal gaysteen.

Qisaasta oo ka dhacday xabsiga Madheera ee gobolka Saaxil, ayaa waxa dadka la dilay kamid ahaa Gaashaanle Dhexe Saalax Bullaale Jaamac, oo 3 May Hargaysa ku dilay gabadh dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Najma Cabdillaahi maykal.

Hadaba, qisaasta ayaa markii hore la qorsheeyay in lagu fuliyo 5 qof, lakiin qofkii 5aad ayaa tiirka laga furay kadib markii ay heshiiyeen dhinacyadii dhibaatadu dhex martay, sidan si lamid ah ayaa 2 qof tiirka looga furay xili toogasho loo diyaariyay 16, February, 2022.

Hadaba, waa qisaastii labaad ee xukuumada Somaliland fuliso isla sannadkan gudihiisa, iyadoo 4 askari oo dilal gaystay hore qisaas loogu fuliyay 16, February, 2022.

Waddamada reer galbeedka ayaa ka qayliya markasta oo xukuumada Somaliland dilal ku filiso qaar kamid ah maxaabiista dilalka ku xukuman, iyagoo soo jeediya in Somaliland ay joojiso fulinta qisaasta.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this