Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Qoorqoor oo Booqday Cadakibir, Isaga Baaq u Diray Shacabka Isabaabulay

Recommended Posts

Deeq A.   
Dowlad goboleedka Galmudug,  Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor  iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray deegaanka Cada Kibir ee gobolka Galgaduud, halkaas oo dadka deegaanku ay ka bilaabeen abaabul ka dhan ah Al-shabaab, kadib markii deegaanka laga gubay Ceelbiyoodkii dadka iyo duuyadu ay ka waraabi jireen.
Axmed Cabdi Kaariye  ayaa warbixinno ka dhageestay gudoomiyaha deegaanka iyo odayaasha dhaqanka, waxuuna halkaas kula kulmay dadka deegaanka oo iskood isku hubeeyay si ay iskaga dhiciyaan Al-shabaab , waxaana xusid mudan in Al-shabaab asbuucii tagay ay dab qabadsiiyeen Matoorkii Ceelka Cadakibir.
Madaxweyaha  Galmudug ayaa  sheegay in dadka Soomaaliyeed iyo Al-shabaab aysan Soomaaliya kuwada noolaan karin, loona diyaar garoobo sidii la isaga kicin lahaa, sida uu hadalka u dhigay  looguna tagi lahaa deegaanada kooban ee ay ka joogaan maamul goboleedka Galmudug iyo guud ahaan Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa ugu danbayn ku ammaanay shacabka iyo culimada deegaanka Cada Kibir sida ay ugu diyaar garoobeen inay Al-shabaab iska dhiciyaan, deegaanka oo uu ka bilowday abaabul dadka shacabka ah, ayaa waxaa horay u booqday mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Cadaado iyo Xildhibaanno Galmudug ah.
Deegaanka Cadakibir iyo deegaanno kale oo hoos taga degamada Baxdo ayaa dhowaan Al-shabaab waxaa ay ka gubeen Ceelbiyoodyada iyo Barkadaha biyaha lagu keydsado, iyaga oo sidoo kale ka jaray isgaarsiinta, waxaana markaas kadib bilowday abaabul ay bilaabeen dadka deegaanka iyaga oo taageero ka dalbaday Federalka.
305308318_477768144389797_48147170131425
305743435_477768754389736_30088154862924
305688222_477768177723127_13073440018100
305621102_477769224389689_52157891907169
305442193_477768554389756_69423624667401
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this