Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliye Xijaar: Waxaan burburinay Maxkamad Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   
Muuqaalka taliye Xijaar

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sheegay in burburiyeen Maxkamad ay Al-shabaab ku lahaayeen deegeenka Basra ee vobalka Shabeelaha Hoose.

Wuxuu tilmaamay in ciidamo si gaar ah u tababar oo isugu jira qaybaha kala duwan ee ciidamada Soomaaliya ay subaxnimadii isniintii weerar qorsheysan ku qaadeen deegaanka Basra oo markaas ka socotay maxkamadeyn, isagoo sheegay in weerarkaas jab xoogan loogu geystay Al-shabaab.

Taliye Xijaar ayaa intaas daray in ciidamadu joogteyn doonaan howlgallada qorsheysan ee ka dhanka ah Al-shabaab, wuxuuna uga digay shacabka in ay aadaa maxkamadaha Al-shabaab.

PUNTLAND POST

The post Taliye Xijaar: Waxaan burburinay Maxkamad Al-shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this