Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Taliyaha Booliska oo xog cusub ka bixiyey howlgalkii cuslaa ee Basra ka dhacay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo shir jaraa’id qabtay ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgal culus oo ciidanka ammaanka ay saakay waaberigii ka fuliyeen degaanka Basra oo jihada koonfur-galbeed ka xiga magaalada Muqdisho.

Taliyaha ayaa sheegay in Basra lagu bartilmaameedsaday maxkamad ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaankaas mudo dheer, sidoo kale wuxuu sheegay in goobta la weeraray ay kooxdu ku canshuuri jirtay ganacsatada reer Muqdisho.

“Howlgalkaas waa lagu guuleystay, waana lagu baabi’iyey kooxda, qaarbaa la dilay, wax kalana waa qaateen, anaga hal sarkaal oo xidigle ah ayaa naga dhaawacmay, hal askarina waa naga dhintay,” ayuu yiri Taliye Xijaar.

Wuxuu sheegay in howgalkaan uu yahay kii ugu horeeyey, isla markaana ay sii wadi doonaan howlgallada, isagoo sheegay in gobollada dalka uu ka bilowday kacdoon ka dhan ah Al-Shabaab.

“Waxaan digniin u dirayaa umadda Soomaaliyeed, ha aadinina meel Al-Shabaab joogo, waa digniin, waa ku halaagmi doontaan, ninkii inta loo yeero aada, waxaa u dhaanta inuu anaga nagu soo war geliyo, ninkii aada oo aan ku ogaano, ayaga dagaalamaya iyo isagu waa isku mid,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Hoos ka daawo

The post Daawo: Taliyaha Booliska oo xog cusub ka bixiyey howlgalkii cuslaa ee Basra ka dhacay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this