Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Xoogga oo Al-shabaab Kala Wareegay Deegaanno Hoos Yimaada Buulo-Burde

Recommended Posts

Deeq A.   
Wararka naga soo gaarayo gobolka Hiiraan ayaa  sheegaya in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay la wareegeen deegganno hoos taga demada Buulo Burde ee gobolkaas, kadib markii ciidanku ay howlgallo ku qaadeen deegaanno dhor ah, kuwaas oo ay ku sugnaayeen dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab oo gu’doomiyey degmada.
Ciidanka ayaa howlgalladooda ku gaaray deegaannada  Ceemooy. dhagax yaalle, Kilad gubadleey iyo Ceelka-dabyoole 20KM u jira degmada Buulo Burde, iyaga oo sheegay in ay sidoo kale y gacanta ku dhigeen Doomo ay isticmaalayeen Wabiga si ay uga qaataan saadka ay u baahan yihin sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka.
Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in deegaannada lala wareegay ay Al-shabaab u ahaayeen marin muhiim ah oo ay isaga gidbaan goboolada Shabeellooyinka iyo Hiiraam, waxaana  ay sheegeen in howlgalkaay  sii wadayaan tan iyo inta Al-shabaab ay ka saarayaan gobolka Hiiraan oo ay howlgallo kale duwan ka wadaan,
Ciidamada xoogga iyo Macawisleyda ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay howlgallo ka Dhan ah Al-shabaab waxaa ay ka wadeen gobolka Hiiraan ,iyaga oo la wareegay deegaanno ka dhaca waqooyiga iyo galbeedka gobolka, Alshabaab ayaa dhowaan Hiiraan ku dilay 20 ruux oo shacab ah iyaga oo sidoo kale gubay gaadiid.
305583478_477417907758154_74137744445022
305562581_477417944424817_91958467573203
305400222_477417954424816_48382058053182
305623612_477417951091483_21873200400582
305519524_477418064424805_69964122463188
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this