Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii u danbeeyay weerarro mindi loo adeegsaday oo ka dhacay dalka Canada

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imanaya waddanka Canada ayaa sheegaya in gobolka Saskatchewan ay ka dhaceen laba weerar oo loo adeegsaday mindi, islamarkaana khasaare dhimasho iyo dhaawac sababay.

Ugu yaraan 10 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen weerarka, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 15 ruux oo kale, sida ay werisay wakaaladda wararka ee AP.

Laamaha ammaanka ayaa sheegay inay baadi-goobayaan laba qof oo lagu tuhunsan yahay in ay fuliyeen weeraradaas.

Rhonda Blackmore, oo ah Kaaliyaha Guddoomiyaha gobolka Saskatchewan, ayaa sheegtay in dhibanayaasha qaarkood ay u muuqdaan inay ahaayeen bartilmaameed si gaara loo beegsaday.

PUNTLAND POST

The post Wararkii u danbeeyay weerarro mindi loo adeegsaday oo ka dhacay dalka Canada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this