Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkmadda Sare ee Kenya oo go’aanka ka soo saaray doorashadii dalkaas

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16623823203240912.jpg

Maxkamadda ugu sarreysa dalka Kenya ayaa ku dhawaaqday in William Ruto uu ku guuleystay doorashadii madaxtinimada ee ka qabsoontay dalkaas bishii hore.

Maxkamadda ayaa meesha ka saartay dacwaddii uu doorashada madaxtinimada Kenya ka gudbiyay Raila Odinga oo ah musharaxii la tartamayay William Ruto.

Ku-xigeenka Raila Odinga, Martha Karua ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ku sheegtay in ay xushmaynayso maxkamadda, balse aysan ku raacsanayn go’aanka ay ka gaartay doorashada.

Wiliam Ruto ayaa ah madaxweyne ku-xigeenkii ugu horeeyay ee ku guuleystay doorashada madaxweynenimada ee Kenya.

PUNTLAND POST

The post Maxkmadda Sare ee Kenya oo go’aanka ka soo saaray doorashadii dalkaas appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this