Sign in to follow this  
Deeq A.

Wareysi: Macawisley oo Ka Warbixisay Dagaallada Hiiraan,Iyagoo Baaq u Diray Dowladda

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka deegaanka Macawislayda ee ka howlgala gobolka Hiiraan ayaa ka hadlay dagaallo maanta Al-shabaab ay kula galeen deegaanno hoostaga Jalalaqsi, iyaga oo sheegay in weerar ku qaadeen goobo ay ku sugnaayeen Al-shaab, Cumar ka tirsan saraakiisha Macawislayda  oo wareysi siiyay Goobjoog News ayaa baaq u diray dowladda federalka Soomaaliya.

Cumar waxaa uu sheegay in goobihii lagu dagaalamay oo 25km u jira Jalaqsi ay ciidanku dib isaga laabteen kadib markii ay howlgalkoodu uu dhammaaday, waxaana uu xusay in Al-shabaab ay u geysteen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac sida uu hadalka u dhigay, isagoo carabka ku dhuftay in howlgallada ay ka wadaan gobolka ay sii wadi doonaan.

                     Halkaan ka dhageyso

https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2022/09/WhatsApp-Audio-2022-09-04-at-16.59.17.mp3

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this