Deeq A. Posted September 4, 2022 Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika danjire, Mousa Faki Mahamat ayaa Maxamed El-Amine Souef oo ka soo jeeda dalka Comoros u magacaabay ergayga Midowga Afrika u joogaya Soomaaliya ahna madaxa howl-galka ATMIS. Danjire Maxamed El-Amine Souef ayaa bedelay Danjire Francisco Maderira oo Ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble dalka ka ceyriyay. Maxamed El-Amine Souef ayaa soo qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid yihiin, wasiirka arrimaha dibadda Comoros, xubin baarlamaan, danjiraha Comoros ee Masar iyo wakiilka jaamacadda Carabta. Mohamed El-Amine ayaa hadda ahaa madaxa xafiiska magaalada Gao ee howlgalka Qaramada Midoobay ee MINUSMA ee dalka Mali. PUNTLAND POST The post Midowga Afrika oo ergay cusub u magacaabay Soomaaliya appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites