Deeq A. Posted September 4, 2022 Ururka Midowga Afrika ayaa Soomaaliya u soo magacaabay ergay cusub, kaas oo bedelaya danjirihii hore , kaas oo laga eryay dalka, Mohamed Al-Amine Souef oo u dhashay dalka Comoros, waxaana uu horay u soo noqday safiir iyo wakiilka joogtada ah ee Jaamadda Carabta, sanadkii 1962 ayuu dhashay, isaga oo wabarashadiisa ku qaatay Pakistan. Mohamed Al-Amine Souef ayaa waxaa uu badalay Francisco madeira, kaas oo dalka looga eryay warqad 7-dii April 2022 uu soo saaray Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisukwasaarihii hore, xilligaas oo ay ka socotay doorashada Baarlamaanka, waxaana lagu eedeeyay inuu ku xadgubay doorashada, xilligaas uu mas’uul ka ahaa Ra’iisulwasaaraha daadihinteeda. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites