Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: DENI oo damacsan inuu isbeddel ku sameeyo sirdoonka Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Warar laga kalsoonaan karo oo haatan soo baxaya ayaa sheegaya in madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni uu ku howlan yahay qorshe ku aadan isbeddel lagu sameynayo hoggaanka hay’adda sirdoonka maamulkaasi ee PISA.

Deni ayaa ka fakiraya xilka qaadis dhowaan lagu sameynayo agaasimaha guud ee Hay’adda PISA Mukhtaar Maxamed Xasan (Jeyte), sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareeydo xilkas ah.

Jeyte ayaa xilkan haya muddo saddex sanno ah, waxaana loo magacaabay 23-kii bishii September ee sanadkii 2019-kii.

PISA ayaa ka kooban hay’addii nabad sugidda ee PSS iyo hay’addii sirdoonka ee PIA oo la mideeyey, waxaana kadib loo sameeyey hal Agaaasime oo kaliya.

Hay’addan ayaa si weyn ula dagaalanta kooxaha argagxisada, sida Daacish iyo Al-Shabaab, waxayna howl-gallada ugu badan ka fulisaa buuraha galagala ee gobolka Bari.

Arrintan ayaa waxaa ka dhashay hadal xoogan iyo guux siyaasadeed oo si weyn looga dareemayo Garoowe, lamana oga waxa xilligaan ku soo beegay iyo qorshaha xiga ee Deni.

Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa horey isbedalo ballaaran ugu sameeyey hogaanka ciidamada maamulkaasi, sida Booliska iyo PFS-ta, waxaana qaarkood ka dhashay xiisado, sida dagaalkii ka dhacay magaalada Boosaaso ee ka dhashay xilka qaadistii agaasimaha hay’adda PSF, Maxamuud Cismaan Diyaano, kaas oo mar dambe xal waara laga gaaray.

The post Xog: DENI oo damacsan inuu isbeddel ku sameeyo sirdoonka Puntland appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this