Sign in to follow this  
Deeq A.

XOG: Shirkii lagu waday in ay yeeshaan Villa Somalia iyo Dowlad Goboleedyada dalka oo fashilmay

Recommended Posts

Deeq A.   
Villa-1440x960-1.jpg

Shirkii lagu waday in ay horraanta bishaan yeeshaan Madaxda dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka si loo xalliyo khilaafaadka labada dhinac ayaa gebi ahaanba fashilmay sida ay xaqiijinayaan dad xog-ogaal ah.

Xogta ayaa tilmaamaysa in uu jiro kala aamin-bax u dhexeeya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada qaarkood oo rumaysan in uu dagaal kaga soo wajahan yahay dhanka Villa Somalia.

Madaxda Dowlad Goboleedyada qaarkood ayaa sida la sheegayo go’aansaday in aysan imaan Shirka meel kasta oo lagu qabto si dunida loo tuso in aanu waxba ka jirin Hal-ku-dhegga Xasan Sheekh ee “ Soomaali Heshiis ah dunidana Heshiis la’ ah”

Wararku waxay intaas ku darayaan in hadda dhammaan Dowlad Goboleedyadu hal mowqif ka taagan yihiin Khilaafka Villa Somalia oo aanu jirin Dowlad Goboleed heshiis la’ ah.

PUNTLAND POST

The post XOG: Shirkii lagu waday in ay yeeshaan Villa Somalia iyo Dowlad Goboleedyada dalka oo fashilmay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this