Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta doorashada Eyl

Recommended Posts

Deeq A.   

Xiisad ayaa ka taagan degmada Eyl ee gobolka Nugaal oo ku sugan yahay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, taas oo ka dhalatay doorashada guddoonka degmada.

Golaha deegaanka degmada Eyl oo doorasho qof iyo cod ah lagu doortay 25-kii Oktoobar 2021 ayaa caawa la dhaariyay, waxayna cod gacan-taag ah ku doorteen guddoomiye, balse waxaan si sax ah u dhicin doorashadii guddoomiye ku-xigeenka.

FB_IMG_16622237392338071.jpg

Faysal Khaliif Waceys oo ka tirsan urur siyaasadeedka Kaah, kaligiisna tartamay ayaa loo doortay guddoomiyaha degmada Eyl, wuxuu helay 26 cod oo ka mida golaha deegaanka.

Doorashada Guddoomiye ku-xigeenka oo ay u tartamayeen saddex musharax oo labo ka mid ah yihiin ururka Mideeye midna Kaah yahay waxaa hareeyay khilaaf iyo buuq, inkastoo Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ku dhawaaqay in uu 15 cod ku guuleystay Cabdirisaaq Kilwe Yuusuf oo ka tirsan ururka Kaah.

Intaas kaddib waxaa qaybo ka mid au degmada Eyl ka billowday rabshado, iyadoo ciidamada Puntland ay xirxireen qaar kamid ah dadkii ka gadooday natiijada uu ku dhawaaqay Wasiir Dhabancad.

Axmed Siciid Nuur oo ka mid ah madaxda ururka Mideeye ayaa doorashada Eyl ku tilmaamay mid la boobay, oo ceel dheer ku ridaysa rajada laga qabo doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacda Puntland.

PUNTLAND POST

The post Xogta doorashada Eyl appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this