Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo diyaarisay ciidamadeeda ka hortaga Rabshadaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Kenya ayaa gabi ahaan heegan gelisay ciidamada ka hortaga rabshadaha ee dalkaas.

Ciidamada ayaa lagu arkaya waddooyinka iyo xarumaha siyaasadda ee dalka Kenya, waxaana lagu wadaa in ay xakameeyaan rabshada iyo qalalaasaha ay suuragalka noqon karto in ay ka dhashaan go’aanka Maxkamadda.

Kadib dood dheer oo laga yeeshay dacwadda ay gudbiyeen xisbiga siyaasiga doorashada looga adkaaday sida ay sheegeen guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha dalka Kenya ee Railla Odinga.

Saacadaha soo socda ayaa la filaya in maxkmadda sare ee dalka Kenya, ay ku dhawaaqdo natiijada doorashada dalka Kenya, ka dhacday 9-kii bishii hore August.

Feejignaanta iyo heeganka la geliyay ciidamada ayaa imaaneysa xilli deegaannada qaar laga cabsi qabo in ay qalalaaso ka dhacaan kadib ku dhawaaqista natiijada doorashada.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this