Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Martin Griffiths oo wada-hadal la yeeshay LAFTA GAREEN + Ujeedka

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, ahna madaxa UN-OCHA Martin Griffiths iyo wafdi uu horkacayo oo maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Labada mas’uul ayaa waxaa kulanka ku wehlinayey xubno ka tirsan golaha wasiirada maamulka Koonfur Galbeed iyo agaasimaha guud ee madaxtooyada maamulkaasi.

Kulankan ayaa waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray wax ka qabashada abaaraha ka jira halkaasi, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada Koonfur Galbeed

“Waxaa kulanka looga hadlay Arimaha Abaaraha iyo sidii wax loogu qaban lahaa Bulshada ku nool guud ahaan Deeganada Koonfur Galbeed ee Saamaysay Abaarta Daran ee ka dhacday guud ahaan Dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska Lafta Gareen.

Koonfur Galbeed ayaa ka mid ah meelaha ay sida daran u saameysay abaarta, waxaana ugu sii daran go’doonka ay deegaannada maamulkaasi galiyeen xoogaga Al-Shabaab.

Martin Griffiths ayaa maalmo kahor soo gaaray dalka, wuxuuna shirar la yeeshay madax ka tirsan dowladda federaalka oo uu ugu horreeyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Soomaaliya ayaa waxaa ka jirta abaar baahsan, taas oo laga cabsi qabo inay macluul isku bedasho, waxaana haatan socdo gurmad ay garwadeen ka tahay dowladda Soomaaliya.

305357521_503257648468524_47234040243263 304967237_503257628468526_25437859542621 304983473_503257675135188_26037797584901 305027976_503257681801854_79070355925692 305068332_503257685135187_78254438290861 305133324_503257665135189_70561064224223

 

The post Sawirro: Martin Griffiths oo wada-hadal la yeeshay LAFTA GAREEN + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this