Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Siciid Deni oo safar ugu baxay degmada Eyl ee Gobolka Nugaal

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa saaka safar ugu baxay magaalada Eyl oo ka tirsan Gobolka Nugaal.

Madaxweynaha oo ay weheliyaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa ka qayb-geli doona doorashada Guddoomiyaha degmada Eyl iyo ku xigeenkiisa oo lagu wado in ay halkaas ka qabsoonto.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale saaka dhagax-dhigay jidka isku xira degmooyinka Dangoroyo iyo Eyl ee Gobolka Nugaal.

Dhinaca kale Madaxweynaha iyo mas’uuliyiinta wehelisa ayaa la filayaa in ay kulamo kala duwan la yeeshaan bulshada degmada Eyl.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Siciid Deni oo safar ugu baxay degmada Eyl ee Gobolka Nugaal appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this