Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland oo dhagax-dhigay wadada isku xirta degmooyinka Dangoroyo iyo Eyl

Recommended Posts

Deeq A.   
Qarxis.jpg

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa saaka dhaggax dhigay dhismaha Wadada isku xirta degmada Dangoroyo iyo Degmada Eyl ee Gobolka Nugaal.

Wadadan oo dhererkeedu yahay 105KM ayaa waxaa dhisaysa Dowladda Puntland waana qorshaha Dowladda ee Cashuurta dalka dib loogu celinayo laguna dhisayo, Iyadoo Bulshada deegaankuna ka qeyb qaadanayaan.

Munaasabadda dhaggax dhiga Wadada Dangoroyo-Eyl, waxaa kala qeybgalay Xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda Puntland, Masuuliyiinta Degmada Dangoroyo, Waxgaradka, Nabadoonada, Ganacsatada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Degmada Dangoroyo, dhammaantood dadka deegaanka ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha dhismaha Wadadan.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Puntland oo dhagax-dhigay wadada isku xirta degmooyinka Dangoroyo iyo Eyl appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this