Deeq A. Posted September 3, 2022 (SLT-Istanbul)-Xildhibaan Dheeg oo ka mid ah golaha guurtida Somaliland Kuna sugan dalka Turkiga ayey dhaawacyo ka soo gaadheen fal ay kula kaceen hablo yaryar oo u dhashay dalkaasi. dad goobjoogayaal ah oo ku sugan Turkiga oo aan la xidhiidhay ayaa ii xaqiijiyey in hablaha Turkiga ah ay xildhibaanka oo lugaynaya xaga danbe kaga dhufteen baabuurka Yar ee carruurta lagu riixo. goobjoogayaashu waxay ii sheegeen in xildhibaanku u dhacay xaga hore, waxaana soo dhaawacmay wajig ah, waxaanay cadeeyeen in hal Ilig ka dhacay midna ka jabay halka dibintuna qaraxday, iyada oo ay xusid mudan tahay in xildhibaanku uu markii horeba bukaan socod ahaa. sidoo kale goobjoogayaashu waxay ii sheegeen in dhakhtar ay geeyeen xildhibaan Dheeg aanu waxba u qaban balse uu amray in la geeyo cusbitaal ilkaha qaabilsan kaas oo ay sheegeen in beri ay gayn doonaan. sidoo kale wararka ayaa sheegaya in booliska Turkigu diiday inay soo qabtaan hablihii weeraray xildhibaanka iyaga oo ku dooday inay da’a Yar yihiin oo aanu sharcigu xidhayn. Source Share this post Link to post Share on other sites