Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah-faahinno ka soo baxayo dad lagu dilay Maxaas

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaarayo degmada Maxaas, ayaa sheegaya in ay ururka alshabaab ku gubeen inta u dhaxeysa degmooyinka Maxaas iyo Baladweyne gawaari sidday raashiin, sidoo kale alshabaab ayaa dilay dad shacab ah oo la socday gaariga, sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya deegaanka.

Inta la xaqiijiyay alshabaab ayaa dilay 20 qof oo la socday gaawaarida, waxaan ay gubeen 7 gaari oo ay wateen, dadka la dilay ayaa waxaa ku jiray haween iyo carruur.

Dhinaca kale laba gaari oo ay saarnaayeen dad gurmad u yimid ayaa la sheegay in mid kamid lala eegtay qarax, mana cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Illaa iyo hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka ay alshabaab u gaysteen dadkaas.

FB_IMG_1662186546492.jpg FB_IMG_1662186543646.jpg FB_IMG_1662186541766.jpg FB_IMG_1662186539667.jpg

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this