Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Bilaal Bulshaawi oo caawa lagu weeraray Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Koox hubaysan ayaa caawa degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ku dhaawacay Bilaal Bulshaawi oo caan ka ah baraha bulshada, aadna loogu yaqaan magaca ah Madaxweynaha Tiktok-ga.  

Wararku waxay sheegayaan in dhaawac halis ah goobta looga qaaday Bilaal iyo qof kale oo la socday.

Falkaan ayaa ka dhacay maqaayad ku taalla agagaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, halkaas oo inta badan Bilaal lagu arki jiray.

Weli ma jirto cid faahfaahin rasmi ah ka bixisay xaaladda uu ku sugan yahay Bilaal Bulshaawi oo dhaawaciisa isbitaal loola cararay, sidoo kale lama oga sababta loo beegsaday.

Inta badan magaalada Muqdisho waxaa ka jirta tuugo xiliyada habeenkii ah dadka ka dhacda taleefoonada iyo agabyada kale oo ay wataan, kuwaas oo mararka qaar dila qofka ay dhacayaan.

Hase yeeshee lama oga in weerarkaan caawa lagu dhaawacay wiilkaan caanka ka ah baraha bulshada uu la xariiro dhac ama beegsi toos ah, toona.

The post DEG DEG: Bilaal Bulshaawi oo caawa lagu weeraray Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this