Sign in to follow this  
Deeq A.

Qareen lagu dilay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16621285575717742.jpg

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu dilay qareen lagu magacaabo Maxamed Warsame, kaas oo ka soo muuqan jiray maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Dilka qareenka oo ka dhacay degmada Hodan waxaa geystay koox hubaysan oo aan haybtooda la aqoon, kuwaas oo dilka kaddib baxsaday sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Qareen Maxamed Warsame ayaa inta badan loo qaban jiray in uu difaaco dacwadaha loo haysto dadka ku eedeysan Al-shabaabnimada, wuxuuna ahaa qareen muddo dheer ka shaqaynayay magaalada Muqdisho, markii horana wax ku soo bartay dalka dibadiisa, gaar ahaan Yaman.

Magaalada Muqdisho waxaa muddooyinkii dambe ku soo badanayay falalka amni xumada, iyadoo inta badana dowladda ka aamusto dilalka iyo weerarada ka dhaca caasimadda.

PUNTLAND POST

The post Qareen lagu dilay Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this