Sign in to follow this  
Deeq A.

Xuseen Macallin: 46 howlgal oo dhan ah Al-shabaab ayaa dhacay 100-kii maalmood

Recommended Posts

Deeq A.   
VideoCapture_20220902-165329.jpg

La-taliyaha amiga madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macallin Maxamuud ayaa sheegay in 46 howgal oo dhan ah Al-shabaab ayaa dowladdu qaaday 100-kii maalmood ee la soo dhaafay.

Wuxuu sheegay in howlgalladaas ay ka dheceen deegaano ka tirsan maamullada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, kuwaas oo sida uu xusay ay iska kaashadeen ciidamada xoogga dalka iyo shacab.

La-taliyaha amniga qaranka Xuseen Macallin ayaa howlgal howlgaladaas ku tilmaamay kuwo lagu joojinayo dardarta iyo weerarada Al-shabaab geystaan.

Hadalka Xuseen Macallin ayaa ku soo aadaya, iyadoo Al-shabaab ay muddoyinki dambe kordhiyeen weerarada ay ka geystaan magaalada Muqdisho.

PUNTLAND POST

The post Xuseen Macallin: 46 howlgal oo dhan ah Al-shabaab ayaa dhacay 100-kii maalmood appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this