Deeq A. Posted September 1, 2022 Shirkadda siisay qalabka tignoolajiyada guddiga doorashada dalka Kenya ee IEBC ayaa diiday in la furo halka xogta doorashada lagu kaydiyo ee xarunta dhexe ee qaranka sababo amni awgeed. Warqad qoraal ah oo loo qoray dhinacyada ay khusayso dacwadda ka dhanka ah doorashada ee ka socota maxkamadda sare, ayaaa shirkadda lagu magacaabo Smartmatic International Holdingn BV waxa ay u sheegtay in furitaanka nidaamka loo isticmaalo in lagu baahiyo natiijada foomka 34C uu ku xadgudbayo xuquuqdeeda aasaasiga ah. Warqadda ayaa la qoray Ogoosto 31, 2022, ka dib markii uu soo ifbaxay kala duwanaansho soo kala dhexgalay dacwoodayaasha ka soo horjeeda doorashada madaxweynaha iyo guddiga doorashada ee IEBC taas oo ku saabsan helitaanka qalabka xogta codadka doorashada si ay u baadhaan waxa ku jira. Qareen Phillip Murgor ayaa maanta maxkamada ka hor sheegay in IEBC ay diiday in ay ixtiraamto amarka maxkamada iyaga oo u diiday saraakiisheeda fursad ay ku galaan oo ay baadhitaano ugu sameeyaan dhammaan sideeda xoog kaydiye. “IEBC waxa ay diiday in la baadho server-keeda, waxa ay noo ogolaadeen inaan baadhno shan server oo kaliya, waxaana aragnay tiro badan oo ah in la tirtiray xogta muhiimka ah, sababta oo waxay na siin doonaan macluumaad aan loo baahnayn” ayuu yidhi Murgor. Warqadda, shirkadda Smartmatica waxa ay ku dartay in server-yada loo furo qofka cabanaya ay ka dhigayso nidaamka mid aan ammaan ahayn sababta oo ah waxaa laga yaabaa in loo isticmaalo doorashooyinka mustaqbalka ee Kenya ama meelo kale oo adduunka ah. “Marka laga tago ku xadgudubka xuquuqda aasaasiga ah ee shirkadda, tallaabadani waxay sidoo kale khatar gelinaysaa doorashooyinka meelaha kale ee isticmaala ama isticmaalay nidaamkayaga,” ayay tidhi shirkaddu. Si kastaba ha ahaatee, Maxkamaddu waxay sheegtay inay hore u soo gaadhay Warbixin ku saabsan Baadhitaanka lagu sameeyay Server-yada Arbacadi, waxayna ka codsatay Qareennada inay soo diyaariyaan cabashadooda, marka loo baahdo in Maxkamadda la horkeeno. Source Share this post Link to post Share on other sites