Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Maxaa kasoo baxay shirkii Golaha Wasiirada?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii ugu horreeyay ee toddobaadlaha ahaa ee golaha wasiirrada ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho – kaasi oo looga hadlay xaaladda amniga waddanka, dadaalka gurmadka abaaraha iyo safarradii shaqo ee dhowaan uu galay ra’iisul wasaaraha. 

Shirka oo uu shir guddoominayay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, ayaa waxa uu kaga warramay socdaalkii uu ku tagay magaalada Tunis ee dalka Tunisia, oo isaga wafdigiisa ay kaga qaybgaleen shirkii caalamiga ahaa ee TICAD8 – kaasi oo intii uu socday ra’iisul wasaaraha iyo xubnaha wafdiga ay kulamo kala duwan la yeesheen madaxdii ka qaybgalaysay shirka.

Waxaa sidoo kale ra’iisul wasaaruhu ka warramay safarkiisi magaalada Beledweyne oo uu sheegay inay u doorteen inay tusaale u noqoto gurmadka ay dowladdu billowday. 

Dhinaca kale, wasiiradda gaashaandhiga iyo amniga, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac iyo Maxamed Axmed Sheekh Cali Doodishe ayaa iyaguna waxa ay xog ka bixiyeen xaaladda ammaanka ee dalka iyo dadaalka ay dowladdu wado ee lagu doonayo in lagu sugo amniga shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macallin Fiqi ayaa isna ka warbixiyay xaaladda abaaraha iyo xogtii ugu dambeysay ee gurmadka loo fidinayo dadka dhibaateysan.   

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku adkeeyay wasaarradaha ay quseeyaan ajandayaashii shirka ee maanta inay si degdeg ah wax qabad la taaban karo u gaarsiiyaan shacabka.

Sida aan xog ku helnay, shirka ayaa la filayey in lagus oo jeediyey isbeddel lagu sameeyo qaar ka mid ah taliyayaasha ciidamada dowladda federaalka, balse arrintaas ayaa dib loo dhigay. 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu doonayo inuu beddelo dhowr taliye oo ka mid ah kuwa ciidamada, waxaana marka hore uu soo sugayaa soo jeedinta golaha wasiirada.

Hoos ka daawo sawirrada kulanka
golaha-wasiirada.jpeg?resize=696%2C464&s 304794324_426165372945948_68255858857795 Xamza.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 304753338_426165369612615_29473341318989 Saalax.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 304186552_426165359612616_90778339387922 304764645_426165366279282_53352567962558 304776000_426165612945924_56897321094096 303934881_426165642945921_43620879112592 304893279_426165652945920_71988779638568 305029636_426165362945949_35969774187441 304797923_426165352945950_21279701328341

The post Sawirro: Maxaa kasoo baxay shirkii Golaha Wasiirada? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this