Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal khasaaro gaystay oo ka dhacay gobalka Shabeellaha Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaarayo deegaanka Warmaxan, oo dhaca inta u dhaxeysa degmooyinka Afgooye iyo Walanwayn ee gobalka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegaya in dagaal uh ku dhexmaray deegaanka ururka alshabaab iyo ciidamada dowladda.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii alshabaab ay weerar ku qaadeen farriisimo ciidamada dowladda ay ku lahayeen deegaanka warmaxan.

Illa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka, balse war lagu baahiyay baraha Internet-ka ee alshabaab ayaa lagu sheegay in ay dileen askar ka tirsan ciidamada dowladda.

Ma jirto illa iyo hadda illo madax banaan oo faahfaahin ka bixiyay dagaalka alshabaab iyo ciidamada dowladda ku dhexmaray deegaanka Warmaxan, oo dhaca inta u dhaxeysa degmooyinka Afgooye iyo Walanwayn ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this