Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabdisamad Abwaan oo shaaciyey arrin DF ka hortaagan amniga Muqdisho?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Cabdisamad Yuusuf Maxamed (Abwaan) oo ka mid ah xubnaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Somalia ayaa ka hadlay arrimaha ammaanka magaalada Muqdisho, kadib war qoraal ah oo uu maanta soo saaray.

Senator Cabdisamad Abwaan ayaa u sababeeyey amni darrada haatan jirta kalsooni la’aan u sheegay in shacabka ka heysata dowladda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, sidaas darteedma ay ku adag tahay dowladda in ay sugo amniga magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in loo baahan yahay in marka hore la dhiso kalsoonida shacabka, si ay dowladda cusub uga hesho taageero dhinac walba leh.

“Dawlad aan haysan kalsoonida shacabka, wey adkaanaysaa iney amniga dalka sugto, waxaa muhiim ah in la baadidoono kalsoonida shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Abwaan.

Hadalkaan ayaa ku soo aadayo, iyada oo maanta weerar loo adeegsaday hoobiyeyaal uu ka dhacay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Dadka ku dhintay weerarkan ayaa waxaa mid ahaa hooyo iyo laba carruur ah oo ay dhashay, kadib markii uu gurigooda ku dhacay mid ka mid ah hoobiyeyaasha la soo tuuray.

Si kastaba, ammaanka Muqdisho ayaa maalmihii dambe faraha kasii baxayey waxaana ka dhacayey weeraro, qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay ka dambeyso Al-Shabaab.

The post Cabdisamad Abwaan oo shaaciyey arrin DF ka hortaagan amniga Muqdisho? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this