Sign in to follow this  
Deeq A.

Haweenay Asalkeedu yahay Soomaali oo Dil loogu hanjabay darteed uga hadhay Doorashada Barlamaanka Dalka sweden

Recommended Posts

Deeq A.   

Haweenay Asalkeedu yahay Soomaali oo Dil loogu hanjabay darteed uga hadhay Doorashada Barlamaanka Dalka sweden

Nateho Mohamed

Nasteexo Maxammed oo ah gabar 23 jir ah oo dhalashada Sweden haysato asalkeeduna yahay Soomaali ayaa sheegtay inay isaga hartay tartankii doorashada baarlamaaniga ee dalka Sweden ka dib markii dil loogu hanjabay.

Waxay xalay baraha bulshada qoraal ay soo dhigtay ku shaacisay iney isaga baxday tartanka doorashada baarlamaanka ay u taagneyd.

“Ma lihi tabar aan ku yeesho dhaqdhaqaaq siyaasadeed. Markay xaaladdu gaadho in dil la iigu hanjabo, ilaa iyo goormaan adkeysanayaa mar unbaad quusaneysaa,” ayey tiri Nasteexo Maxamed.

Waxaa laa aaminsan yahay inay hanjabaad kala kulnatay kooxaha midigta fog ee soo galooti diidka ah.

Doorashada guud ee dalka Sweden ayaa lagu wadaa inay dhacdo bisha September, waxaana lagu soo dooranayaa kuraasta baarlamaanka dalkaasi oo ka kooban 349 xubnood.

Nasteexo ayaa dooneysay inay ku tartanto xisbiga ay siyaasadiisa furfuran tahay ee Centerpartiet. Wuxuu baarlamaanka hadda ku leeyahay 31 xubnood.

Gabadhan oo ah gabar da’yar oo caan ka ah dalka Sweden aya si weyn ugu ololeysa “la dagaallanka qabyaaladda iyo cadaadiska dumarka loo geysto, gaar ahaan Soomaalida Sweden ku nool.”

Hadaladda laga hayo waxaa ka mid ah iney tiri, ““Haddii aad rabto inaad ku noolaato nidaamka qabiilka oo aad dumarka ku dulmiso, waxaad aadi kartaa Soomaaliya laakiin halkan ma ahan.”

Hadalkaasi oo ay Nasteexo ku soo bandhigtay muuqaal ay barteeda Facebook soo dhigtay sanadkii 2020-kii, ayaa dhalliyay hadal hayan badan.

Xilliyadi u dambeeyey waxay si weyn uga soo muuqatay siyaasadda dalka Sweden iyada oo ka tirsaneyd xisbiga Centerpartiet, iyada oo weliba ahayd xubin aad u firfircoon.

Waxayna xisbigaasi ugu tartameysay baarlamaanka Sweden ee Riksdag loo yaqaanno.

s

Nasteexo ayaa Sweden tagtay muddo haatan laga joogo 8 sano.

Gobolka ay ku nooshahay ee Börlinga waxay u aragtaa inuu ka jiro dhaqanka qabiilka ama qabyaaladda oo la mid ah kii dalka Soomaaliya ee ay ka soo tagtay. Iyada oo sida oo kale xusatay xadgudubka haweenka loo geysto inuu sida oo kale uu ka jiro gobolka Borlinge.

Hadalka Nasteexo waxaa ka dhashay falcelin kala duwan oo ay ka bixiyeen Soomaalida Sweden deggan gaar ahaan taageerayaasheeda.

Halka qaarkood ay sheegeen hadallada ka soo yeeray Nasteexo inuu yahay mid ay Soomaalida dhaqankeeda ku ceebeyneyso oo ay dano siyaasadeed ka leedahay , halka ay sida oo kale jiraan qaar taageeray.

Nasteho iyo Siyaasiyad reer Sweden

Waa tumaa Nasteexo?

Waxay ku dhalatay dalka Soomaaliya. Dalka Sweden waxay tagtay 15 sano ka hor xilli ay da’deedu ahayd 8 jir oo kali ah.

Waxayana ku nooshahay magaalada Borlange ee dalka Sweden.

Nasteexo waxay ku soo caan baxday iney u ololeyso la dagaalanka qabyaaladda iyo xadgudubyada dumarka ku nool dalka Sweden loo geysto.

Markii dambe waxay ku biirtay xisbiga Centerpartiet ee dalka Sweden oo la aasaasy 1913-kii.

Waxayna ka shaqeysa xaruunta Centerkvinnorna oo ku howlan arrimaha xorriyadda, dimuqraadiyadda iyo sinnaanta dumarka.

Kadibna waxay shaacisay iney u tartameyso xildhibaannimada dalka Sweden.

Ilaaay ugu dameyntii xalay sheegtay iney tartanki ka baxday kaddib markii dil loogu hanjabay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this