Deeq A. Posted August 31, 2022 Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xilalkii ka qaaday Taliyihii Ciidamada Daraawiishta Yaasiin Cumar Dheere, wuxuuna xilkaas u magacaabay Abshir Cabdi Jaamac (London). Sidoo kale wuxuu Xuseen Faarax Aadan (Xuseen Dheere) u magacaabay Abaanduulaha Ciidanka Daraawiishta. Dhanka kale Madaxweyne Deni ayaa xilalkii ka qaaday Taliyihii Ciidanka Asluubta Puntland, Bile Faarax Cali iyo Taliye ku-xigeenkii 1-aad ee Ciidanka Asluubta Cabdirisaaq Gantaal. Taliyaha Ciidanka Asluubt ayaa loo magacaabay Saxardiid Maxamed Axmed (Colow), halka Taliye Xigeenka 1-aad loo magacaabay Cabdullaahi Cismaan Libaan, sidoo kale Taliye Xigeenka 2-aad ee Ciidanka Asluubta ayaa loo magacaabay Cabdulqaadir Axmed-Khayr Muuse. Hoos ka akhriso wareegtooyinka Garoowe: 31 August 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 48 ee 31-da Agoosto 2022, kuna saabsan magacaabid Taliyaha Guud iyo Abaanduulaha Ciidanka Daraawiishta Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda Ciidanimo. Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland. Wuxuu xeeriyey: Waxaa S/Gaas Abshir Cabdi Jaamac (London) loo magacaabay Taliyaha Guud ee Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland. Waxaa S/Guuto Xuseen Faarax Aadan (Xuseen Dheere) loo magacaabay Abaanduulaha Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. Garoowe: 31 August 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 47 ee 31-da Agoosto 2022, kuna saabsan magacaabid Taliyaha, Taliye Xigeenka 1-aad , Taliye Xigeenka 2-aad ee Ciidanka Asluubta. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda Ciidanimo. Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland. Wuxuu xeeriyey: Waxaa S/Guuto Saxardiid Maxamed Axmed (Colow) loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland. Waxaa S/Guuto Cabdullaahi Cismaan Libaan loo magacaabay Taliye Xigeenka 1-aad ee Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland. Waxaa S/Guuto Cabdulqaadir Axmed-Khayr Muuse loo magacaabay Taliye Xigeenka 2-aad ee Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay. DHAMMAAD PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo xilka qaadis iyo magacaabis sameeyay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites