Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirkii Caafimaadka Dalka Portugal Oo Is-Casishay  Kaddib Markii Ay Geeriyootay Haweeney Xaamilo Ah, Oo Cisbitaalada Lagu Eedeeyay Inay Dayaceen

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka caafimaadka dalka Portugal haweeneyda lagu magacaabo Dr. Marta Temido ayaa xilka iska casishay saacado uun kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in ay dhimatay haweeney  xaamilo ahayd oo dalkaasi dalxiis u joogtay kaddib markii laga soo celiyay qeybta haweenka ku umulaan ee cusbitaal ku yaalla magaalada Lisbon.

Haweeneydan oo 34 jir ahayd oo u dhalatay dalka Hindiya ayaa sida la sheegay wadnuhu uu istaagay, xilli marba la geynayay mid ka mid ah cisbitaallada ku yaalla magaalada Lisbon.

Arrintan ayaa timid xilli ay soo baxayeen dhacdooyin is-xigxigay oo ka dhacayay cusbitaallada dalkaasi, kuwaa oo loo aaneynayo shaqaale la’aanta ka jirta qaybaha haweenka ku umulaan ee guud ahaan cusibitaalalda dalka Portugal.

Dr. Marta Temido ayaa wasaaraddan caafimaadka madax ka ahayd tan iyo 2018, waxaana lagu ammaanaa sidii ay u maareysay masiibada cudurka Covid-19.

Hase yeeshee shalay oo salaasa ahayd, ayaa dowladdu waxay bayaan ku sheegtay in Dr. Temido “ay xaqiiqsatay in ayna hadda u muuqan sababo ay xilkaasi ku sii hayn karto”.

Raysal wasaaraha dalkaasi Portugal, António Costa, ayaa sheegay in geerida haweeneydaasi xaamilada ahayd ay tahay arrintan ku cadaadisay Dr Temido in ay is-casisho, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Portugal ee Lusa.

Arrintan ayaa timid xilli dowladda dalkaasi lagu dhaliilayo sida ay u maaraysay shaqaale yaraanta ka jirta xarumaha ay haweenka ku umulaan, iyadoo si ku meel gaadh ah u xidhay qaar ka mid ah xarumahaasi, arrintaa oo ku khasabtay haweenka uurka leh in ay khatar nafeed la kulmaan inta ay raadinayaan Cusbitaallada kala duwan ee dalkaasi.

Warbaahinta maxalliga ahi ee dalkaasi ayaa sheegtay in haweeneyda dalxiiska dalkaa ku joogtay oo uurka lahayd ay dhimatay markii laga soo wareejiyay Cusbitaalka Santa Maria ee magaalada Lisbon – oo ah kan ugu weyn dalka Portugal – sababtoo ah waxaa xilligaasi buuxay qaybta dhalmada ee cusbitaalkaasi.

Ilmihii uurkeeda ku jiray ayaa la soo badbaadiyay isagoo caafimaad qaba kaddib markii qalliin deg deg ah lagu sameeyay meydkeeda, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dalkaasi. Durbaba waxaa la billaabay baadhitaan ku saabsan sababta keentay geerida haweeneydaasi.

Guud ahaan dalka Portugal waxaa bilihii la soo dhaafay ka jiray dhacdooyin noocan oo kale ah – oo ay ka mid yihiin dhimashada laba dhallaanka ah oo midba mar kala dhintay, xilli hooyadood sida muuqata loo wareejinayay Cusbitaallo kala duwan, sidaana ay foosha ku raageen.

Yaraanta xirfadleyaasha caafimaadka ee Portugal, gaar ahaan kuwa ku takhasusay cudurada haweenka iyo dhalmada, ayaa keentay in dowladdu ay ka fikirto in xirfadleyaal ay kala timaado dalka dibaddiisa.

Xirnaanshaha qaar ka mid ah qaybaha dhalmada ee cusbitaallada ku yaalla dalkaasi ayaa horseeday in ay buux dhaafaan qolalka ay ku nastaan hooyada marka ay umusho iyo dhallaankeeduba, iyadoo xisbiyada mucaaradka, dhakhaatiirta iyo kalkaaliyayaasha caafimaadkuba ay eeda dusha u saarayeen wasiirkii hore ee caafimaadka.

Isagoo la hadlayay warbaahinta maxalliga ah ee RTP ayaa guddoomiyaha ururka dhakhaatiirta Portugal, Miguel Guimaraes waxa uu sheegay in Dr Temido ay shaqada iskaga tagtay sababta oo ah ma heli karin qaab kale oo ay ku xalliso dhibaatada hadda taagan – waxaase dhanka kale uu ammaanay wax qabadkeedii hore intii ay halka xilka wasiirka caafimaadka ee dalkaasi.

Hase yeeshee, Gustavo Tato Borges, oo ah guddoomiyaha ururka caafimaadka dadweynaha ee Portugal, ayaa RTP u sheegay in marnaba aanu filayn in ay is-casisho, wuxuuna sheegay in uu “la yaabay” in ay shaqada ka tagtay iyada oo ay haatan jiraan “dhibaatooyin ba’an” oo dhinaca caafimaadka ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this