Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisulwasaarihii hore Malaysia oo Isbitaal la dhigay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisulwasaarihii hore ee dalka Malaysia Mahathir Mohamad, ayaa la dhigay isbitaal ku yaallo magaalada caasimadda ah ee Kuala Lumpur, kadib markii laga helay xanuunka corona virus.

Mahathir ayaa malaysia hoggaaminaye intii u dhaxeysay july 1981 illa  October 2003, waxaana markale loo doortay ra’iisulwasaaraha dalka Malaysia intii u dhaxeysay sanadihii 2018 illa  2020.

97 sano jirkaan ayaa ehelkiisa ay xaqiijiyeen in baaritaanno lagu sameeyay kadib laga helay safmareenka Covid-19, waxaana xaaladdiisa caafimaad hadda lagula tacaalaya isbitaal ku yaalla Kuala Lumpur.

Maamulka Kuala Lumpur, ayaa xaqiijiyay in ay soo hagaageyso xaaladda caafimaad ee Ra’iisulwasaarihii hore ee dalka Malaysia Mahathir Mohamad.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this