Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Caafimaadka Portugal oo is casishay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka caafimaadka waddanka Portugal haweeneyda lagu magacaabo Dr. Marta Temido ayaa xilka iska casishay saacado uun kaddib markii ay geeriyootay  haweeney xaamilo ahayd oo dalkaasi dalxiis u joogtay kaddib markii laga soo celiyay qeybta haweenka ku umulaan ee cusbitaal ku yaalla magaalada Lisbon.

Haweeneydan oo 34 sano jir ahayd oo u dhalatay dalka Hindiya ayaa sida la sheegay wadnuhu uu istaagay, xilli marba la geynayay mid ka mid ah isbitaallada ku yaal magaalada Lisbon.

Arrintan ayaa timid xilli ay soo baxayeen dhacdooyin is-xigxigay oo ka dhacayay cusbitaallada dalkaasi, kuwaas oo loo aaneynayo shaqaale la’aanta ka jirta qaybaha haweenka ku umulaan ee guud ahaan cusibitaalalda dalka Portugal.

Dr. Marta Temido ayaa wasaaraddan caafimaadka madax ka ahayd tan iyo 2018, waxaana lagu amaanaa sidii ay u maareysay masiibada cudurka Covid-19.

PUNTLAND POST

The post Wasiirka Caafimaadka Portugal oo is casishay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this