Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Cusub ee Kenya oo Guuldarro kala kulmay Maxkamadda Sare

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda sare ee dalka Kenya, ayaa diiday codsi uu u soo gudbiyey madaxweynaha la doortay Kenya ee, William Ruto.

Codsiga ayaa ahaa in lix kamid ah guddiga doorashada (IEBC) laga mamnuuco ka qeyb galka dacwadda doorashada madaxweynaha, iyadoo go’aamisay in khilaafka la horkeeno garsoorayaasha.

Ruto, ayaa doonaya in afarta xubnood ee guddiga doorashada, ee la ra’ayiga ah isbaheysiga Azimio, inay dhanka isbaheysigaasi maraan.

Xubnaha afarta ah, ayaa haatan qeyb ka ah xubnaha guddiga doorashada ee dacwadda doorashada lagu muransan yahay ee la gudbiyey ka jawaabaya.

Maalinta bari ah ayey maxkamaddu si rasmi ah u bilaabi doontaa dhageysiga dacwada.

Waxay haysataa maxkamadda inay go’aan ku gaadho illaa iyo 5-ta bisha September.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this