Sign in to follow this  
Deeq A.

Muqtada Al-Sadr Oo Cuntada Ka Soomay Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Ciraaq Oo Gashay Xaalad Dagaal

Recommended Posts

Deeq A.   

Wadaadka Shiicada ah ee Ciraaq, Muqtada al-Sadr ayaa ku dhowaaqay inuu cuntada ka soomay ilaa inta ay ka istaagayaan rabshadaha dibadbaxayaasha iyo adeegsiga hubka, waxaa sidaas ku warantay wakaaladda wararka Ciraaq ee INA.

Go’aanka Muqtada al-Sadr ayaa yimid saacado kadib markii uu Isniintii shaaciyey inuu ka fadhiistay siyaasadda, taasi oo horseeday inay boqolaal ka mid ah taageerayaashiisa ay ku xoommaan xarunta golaha wasiirada ee Aagga Cagaaran ee Baghdad.

Iskudhacyo ayaa ka dhex qarxay taageerayaasha al-Sadr iyo kuwa kooxo ku xidhan dowladda Iiraan. Booliska ayaa soo farogeliyey rabshadaha waxayna adeegsadeen sunta dadka ka ilmeysiisa si ay u kala eryaan. 

Rasaas xooggan ayaa laga maqlayey Aagga Cagaaran, waxaana ilo-wareedyo caafimaad ay u sheegeen wakaaladda wararka AFP in toogasho lagu dilay 12 ka mid ah taageerayaasha al-Sadr, ayada oo ay jiraan ugu yaraan 270 dhaawac ah.

Militariga Ciraaq ayaa ku dhowaaqay Bandow lagu soo rogay dalka oo dhan oo billaamay xalay 7:00pm, waxaana raysal wasaare Mustafa al-Kadhimi uu hakiyey kulamadii golaha wasiirada.

Xiisadda Iraq ayaa salka ku haysa is-mari waa ka taagan dhismaha xukuumad cusub.

Taageerayaasha Sadr, oo mar hoggaamiyey kacdoon maleeshiyo oo ka dhan ahaa ciidammada Mareykanka iyo Ciraaq, ayaa kasoo horjeeda ku dhowaaqista Mohammed al-Sudani, oo xisbi xidhiidh la leh Iran ay doonayaan inay ka dhigaan raysal wasaare.

Xisbiga Moqtada Sadr ayaa helay kuraastii ugu badneyd ee doorashadii dhacday October, balse ma gaadhin aqlabiyad ay kusoo dhisi karaan dowlad. Toban bilood kadib waxaa weli is-mari waa uu ka taagan yahay dhismaha xukuumad.

Sadr, oo muddo saameyn ku lahaa siyaasadda Ciraaq, ayaa haysta malaayiin taageeerayaal naftood hurayaal oo Shiico ah.

Taageerayaashiisa ayaa kasoo horjeeda musharaxnimada wasiir iyo badhasaab hore, oo ay axsaabta ku xidhan Iran u wadaan xilka raysal wasaaraha.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this