Sign in to follow this  
Deeq A.

MAS’UUL ka tirsanaa maamulka degmada Yaaqshiid oo qarax lagu dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax xalay ka dhacay qaybo ka mid ah degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, kaas oo lala beegsaday guddoomiye ku xigeenkii arrimaha siyaasadda ee maamulka degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, Macallin Xuseen Filla-wayne, kaas oo la soo wariyey in uu qaraxa ku dhintay.

Allaha u naxariistee marxuumka ayaa ku sugnaa xilliga la qarxinayey xaafadda Buulo Maaxaay oo ka tirsan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in marxuumka qaraxa loogu xiray gaarigiisa, isla-markaana uu ku dhintay isla goobta, suda ay shaaciyeen mas’uul ka tirsan maamulka degmada Yaaqshiid.

Maryan Maxamed oo ah marwada marxuumka geeriyooday ayaa dhankeeda sheegtay in qaraxa guddoomiyaha gaarigiisa loogu xiray  xilli uu ka soo baxay xaafadda, gaar ahaan gurigiisa oo ku yaalla degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

“Gaariga wax loogu xiray ayey aheyd kursiga uu ku fadhiyey ayey la kacday, kaligiis ayuu ahaa marka uu qaraxa dhacayey,” ayuu tiri Maryan Maxamed.

Sidoo kale waxaa meesha ay wax ka dhaceen tegay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi, balse weli wax war kama soo saarin qaraxaas.

Dilka loo geystay guddoomiye ku xigeenkii siyaasadda ee degmada Yaaqshiid ayaa qayb ka noqonayo falalka ammaan darri ee haatan ka dhacaya magaalada Muqdisho.

Weeraradaan ayaa ku soo aadaya, xilli ay dhankooda howlgallo ballaaran wadaan ciidanka ammaanka dowladda, si ay u sugaan amniga magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

The post MAS’UUL ka tirsanaa maamulka degmada Yaaqshiid oo qarax lagu dilay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this