Sign in to follow this  
Deeq A.

XOG: Madaxda DF iyo kuwa dowlad goboleedyada oo isugu tegaya GAROOWE

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Puntland ayaa marto-gelineyso shir guud oo u dhexeeyo dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, kaas oo dhowaan ka dhacaya gudaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo muhiim ah.

Arrintaan ayaa lagu go’aamiyey waa-hadalladii ay magaalada Garoowe ku yeesheen madaxweynahaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaamiyaha Puntland Saciid Deni, inkastoo aan la shaacin goorta la qabanayo shirkaasi xasaasiga ah.

Wararka ayaa sheegaya in shirka u furmayo madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada diiradda lagu saari doono xaaladda guud ahaa dalka, gaar ahaan howlaha horyaalla dowladda cusub iyo sida ay u wada shaqeyn karaan labada dhinac.

Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa shirkan lagu soo qaadi doonaa mad-madowga soo kala dhex-galay dowladda dhexe, qaar ka mid ah maamul goboleedyada, waxaana arrimaha kale ee la gorfeyn doono ka mid ah muddo kororsiga halka sanno ah ee ay sameysteen madaxweynayaasha maamulada Jubbaland iyo Koofur Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale waxay madaxdu ka wada-hadli doonaan sidii loo xoojin lahaa howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shasbaab iyo gurmadka abaaraha haata ka jira dalka.

Shirkan ayaa ku soo aadaya xilli xasaasi ah, isla-markaana uu jiro mad-madow xilligaan soo kala dhex-galay dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka.

Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay isbedel siyaasadeed, kadib doorashadii 15-kii May, ee uu ku guuleystay Xasan Sheekh oo kadib soo magacaabay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi

The post XOG: Madaxda DF iyo kuwa dowlad goboleedyada oo isugu tegaya GAROOWE appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this