Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Tigray oo beeniyay in ay qabsadeen magaalada Weldiye

Recommended Posts

Deeq A.   

Afhayeen u hadlay ciidamada Tigray-ga ee dalka Itoobiya ayaa beeniyay wararka sheegaya in ciidamadoodu ay qabsadeen magaalada Weldiye oo ku taalla gobolka ay dariska yihiin ee Axmaarada.

 Wararkan ayaa soo baxay, ka dib Isku dhacyo ka soo cusboonaaday dalka Ethiopia todobaadkii hore ka dib markii ay dagaalo dhexmareen Ciidamada Militariga ee dawladda Ethiopia iyo kuwa Tigray-ga.

Dagaaladan cusub ayaa dib u bilowday iyada oo ay xaaladdu deganayd muddo shan bilood ah.

Habeenimadii Axada ayaa qaar kamid ah warbaahinta caalamiga ahi waxay baahisay in kooxda TPLF ay gudaha u gashay magaalada Weldiya ee gobolka Axmaarada.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada Tigray oo beeniyay in ay qabsadeen magaalada Weldiye appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this