Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax Lagu Mid Kamid ah Guddoomiye Ku-xigeennada Demooyinka Gobolka Banaadir

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax xalay xilli dambe ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo lagu dilay mid kamid ah guddoomiye ku-xigeennada degmooyinka Gobolka Banaadir, qaraxa  waxaa uu ahaa midka gawaarida lagu xiro.

Macallin Xuseen (filla-wayne) guddoomiye ku-xigeenkii arrimaha siyaasadda degmada Yaaqshiid ayaa lagu dilay qarax, xilli uu ku sugnaa xaafadda Buulo Maaxaay ee degmada Kaaran ee gobolka Banaadir, kadib markii gaarigiisa qarax lagu dhajiyay.

Cabdullaahi Shiillow oo  ah guddoomiye kuxigeenka arrimaha bulshada degmada Yaaqshiid ayaa xaqiijiyay dilka marxuum Macallin Xuseen (filla-wayne) oo ahaa Guddoomiye kuxigeenkii Siyaasadda degmada Yaaqshiid, kaas oo lagu dilay Kaaraan.

Qaraxa lagu dilay guddoomiye ku-xigeenka ayaa waxaa wararku sidoo kale ay sheegayaan in uu dhaawac kasoo gaaray qaar kamid ah ilaaladiisa, ciidanka ammaanka oo goobta gaaray ayaa ka qaaday meydka marxuumka lama sheegin cid loo qabtay.

Maqaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilal qorsheysan iyo qaraxyo lagu dilo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo shakhsiyaad kale oo si gaar ah loo beegsado, kuwaas oo isugu jira shacab iyo mas’uuliyiin dowladeed.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this