Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha Ciidammada Mareykanka Ee Africa Oo Maanta Booqasho Ku Tegay Magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Taliyaha taliska ciidammada Mareykanka ee Africa (AFRICOM) Gen. Michael Langley ayaa maanta booqasho ku tegay magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu kula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Qoraal lasoo dhigay bogga twitter-ka safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in danjire Larry André uu taliyaha kusoo dhoweeyey Muqdisho.

“Waxaan bixinaa kaalmo amni oo xoojinaysa saaxiibadeena Soomaaliya iyo Midowga Afrika iyadoo Soomaaliya ay si buuxda u qaadanayso mas’uuliyadda shacabka Soomaalida lagaga ilaalinayo rabshadaha xagjirnimada iyo baadda,” ayaa lagu yidhi qoraalka.

General Langley ayaa sidoo kale la kulmay wasiirka gaashaanadhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur, waxayna ka wadahadleen iskaashiga militari ee labada dhinac iyo xoojinta taageerada Mareykanka siiyo dagaalka ay ciidamada Soomaaliya kula jiraan argagixisada.

Gen. Michael E. Langley ayaa 9-kii August la wareegay xilka taliyaha taliska AFRICOM, xaflad ka dhacday magaalada Stuttgart ee dalka Jarmalka, isaga oo beddelay Gen. Stephen Townsend.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this