Sign in to follow this  
Deeq A.

Japan Oo U Ololeyn Doonta In Afrika Kursi Joogto Ah Ka Hesho Golaha Amaanka Ee Qaramada Midoobay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Tokyo)-Raysal wasaaraha Japan Fumio Kishida, ayaa sheegay in dowladiisa ka shaqeyn doonto in dib u habeyn lagu sameeyo Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay si Afrika uga hesho kursi joogto ah.

“Japan waxa ay ku celinaysaa go’aankeeda ah in ay dib u saxdo caddaalad darrada taariikhiga ah ee ka dhanka ah Afrika ee ah in aan lagu matalin xubinnimada joogtada ah ee Golaha Ammaanka,” Ra’iisul Wasaare Fumio Kishida ayaa sidaa ka sheegay Shirka Caalamiga ah ee Horumarinta Afrika ee Tokyo ee ka dhacay Tunis, Axaddii shalay.

Bishii June, waddanka Japan ayaa kamid noqday shanta waddan ee loo doortay inay kursi aan joogto ahayn ka qabtaan Golaha Amaanka sannadaha 2023 illaa 2024.

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa ka kooban 15 xubnood, oo shan ka mid ah ay yihiin kuwo joogto ah oo leh awood diidmo qayaxan: Maraykanka, Ruushka, Shiinaha, Faransiiska iyo Boqortooyada Ingiriiska.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this