Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo marti-gelin doonta Shir u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada

Recommended Posts

Deeq A.   
Villa-1440x960.jpg

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadda ka anba-baxay Garoonka Diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee magaalada Garoowe waxaana uu dib ugu laabtay Muqdisho.

Wada-hadalladii dhexmaray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa natiijo la’aan ku dhammaaday islamarkaana wax war-murtiyeed ah laga soo saarin.

Waxaase labada dhinac ku ballameen in la isu’gu yimaado shir guud oo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada si loo xalliyo Khilaafka jira.

Shirka oo lagu qaban doono Garoowe ayaa waxa marti-gelinaya Puntland sida wararku sheegayaan inkastoo aan weli la cayimin Wakhtigiisa.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo marti-gelin doonta Shir u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this