Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Taliyaha AFRICOM oo soo gaaray Muqdisho xilli DF ay ku dhaqaaqeyso qorshaha…

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac ) ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Taliyaha Cusub ee Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika  ee loo yaqaan (AFRICOM) oo soo gaaray Muqdisho.

Kulanka Wasiirka iyo Taliyaha cusub ee Ciidanka AFRICOM Gen. Michael Langley ayaa waxa uu ka dhacay xarunta Safaaradda ee Dowladda Mareykanka ay ku leedahay Magaalada Muqdisho, waxaa kulanka goobjoog ka ahaa Safiirka Dowladda Mareynka, lataliyaha amniga Ra’iisul Wasaaraha XFS, Taliye ku xigeenka CXD iyo Mas’uuliyiin kale.

Wasiirka ayaa waxa uu sheegay soo dhawaynta kadib in uu taliyaha la wadaageen qorshaha sare u qaadida awooda ciidanka xoogga dalka iyo sidii loo qalabeyn lahaa, xilli dowladda isku diyaarineyso dagaal dalka looga xoreeyo Al-Shabaab.

Sidoo kale, kulanka waxa ay diiradda ku saareyn sidii ay ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ula wareegi lahaayeen amniga guud ee dalka iyo la dagaalanka Al-Shabaab, sida uu ku yiri qoraal uu ku daabacay Bogga Fecebook ee wasiirka gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur.

Sidoo kale Wasiir Jaamac ayaa sheegay in ay uga mahadceliyeen doorka AFRICOM ay ka qaadato sara u qaadida amniga geeska Africa.

Jeneraal Michael ayaa 3 August 2022-ka loo magacaabay taliyaha taliska milatariga Maraykanka ee Afrika ee loo soo gaabiyo AFRICOM, ka dib markii 2 August 2022-ka ay dalacsiiyeen Aqalka Sanate-ka Maraykanka.

9 Augusta 2022 Jeneraal Michael ayuu xilka kala wareegay Jeneraal Stephen Townsend oo ahaa taliyhihii hore ee ciidanka milatariga Maraykanka ee Afrika ee loo soo gaabiyo AFRICOM.

Inta badan Taliska Ciidamada Mareekanka ee Afrika ee loo yaqaan Africom ayaa Soomaaliya gaar ahaan goobaha ay joogaan Al-Shabaab waxa ay ka fuliyaan duqeymo dhinaca cirka iyaga oo bar tilmaameedsanaya xubnaha sar sare Ee Al-Shabaab.

301552689_608764854147702_58672797439104

301427450_608764860814368_50735778053427 Capture.JPG4_.jpg?resize=696%2C478&ssl=1 Capture.JPG3_.jpg?resize=696%2C462&ssl=1 Capture.jpg?resize=696%2C445&ssl=1

The post Sawirro: Taliyaha AFRICOM oo soo gaaray Muqdisho xilli DF ay ku dhaqaaqeyso qorshaha… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this