Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda Garoowe oo lagu wado in ay saaka u fariisato dhegeysiga kiiska geed-quwaaxa

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda derejada kowaad ee degmada Garoowe ayaa lagu wadaa in ay saaka  u fariisato dhegeysiga dacwadda kiiska  geed-quwaaxa oo ku muddeysan 29 August 2022.

Liibaan Cali Food oo ku eedaysan dhoofinta dhirta geed-quwaaxa islamarkaana u xiran kiiskan ayaa la filayaa in uu ka soo muuqdo maxkamadda.

Eedaysane Liibaan ayaa keligiis marar kala duwan ka soo muuqda maxkamadda inkastoo ay jiraan dad kale oo ku eedaysan kiiska dhoofinta dhirta.

Maxkamadda ayaa dhowaan si kama danbays ah ugu wargelisay dhammaan dadka ku eedaysan kiiskan in ay maxkamadda horyimaadan 29 August oo ku beegan maanta.

PUNTLAND POST

The post Maxkamadda Garoowe oo lagu wado in ay saaka u fariisato dhegeysiga kiiska geed-quwaaxa appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this