Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo la soo gaarsiiyay 1.6 milyan oo talaalka Corona Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Soomaaliya ayaa guddoonta 1,645,600 xabo oo talaalka COVID19 ee Johnson and Johnson (J&J), kaas oo ay siiyeen dowladaha  Sweden iyo Jamhuuriyadda Czech.

War saxaafadeed ka soo baxay UNICEF, ayaa lagu sheegay in wasiirka caafimaadka Soomaaliya oo ka hadlay munaasibadda lagula kala wareegay talaalka uu kaga mahad celiyay dowladaha soo dhiibay.

“Waxaan jeclaan lahayn inaan u mahadcelinno Dawladaha Sweden iyo Jamhuuriyadda Czech oo gacan naga siisay inaan Soomaalida ka ilaalinno xanuunka COVID-19. Tallaalada aan helnay waxay runtii badbaadinayaan nolosha dad badan” ayuu yidhi wasiirka caafimaadku.

Safiirka Sweden ee Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay in dowladdiisa ay mar walba ay garab taagan tahay dowladda Soomaaliya.

“Aad ayaan ugu hanweynahay in Sweden ay mar kale muujisay sida ay u garab taagan tahay dadka Soomaaliyeed si ay ula dagaallamaan masiibada Covid-19. Tallaalka gaadhaya illaa 1,360,800 ee ay ku deeqday dawladda Sweden ayaa gacan ka geysanaya in bulsho badan oo Soomaali ah la tallaalo.” Ayuu yidhi Safiirka Sweden ee Soomaaliya, Mudane Per Lindgärde.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this